• Dhakhaatiirta oo ka walwalsan caafimaadka Soomaalida qurbaha: Faqriga fitamiin D & Qurbaha

    by Mohamed Abdullahi

    Soomaalida ku nool reer galbeedka ayaa waxaa la arkay in markay qurbaha imaanayanaan ay caafimaad qabaan, sanado kadibna ay la soo daristo caafimaad xumo. Dhakhaatiirta ayaa arinkaas ku fasiray qorax la’aanta wadamada ay u soo hayaameen kadib markii ay arkeen sida uu u liito heerka fitamiin D Soomaalidii laga cabiray. Taas waxaa loo aaneeyaa maqaarkooda oo madow, hab-dhaqanka labiska, dhalmada isu dhow iyo iyaga oo aan ku fiicnayn cunada qaniga ku ah fitamiin D sida kaluunka.